Somali News

Ciidanka Xoogga oo Al-Shabaab kala wareegay Deegano ka tirsan Sh/Hoose

Muqdisho-KNN-Inta u dhaxeysa degmada Wallaweyn iyo deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose wararka aan ka helayno saakay ayaa waxa ay sheegayaan Ciidamada xoogga dalka ay Tuulooyin dhowr ah kala wareegeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Taliyaha hoggaaminaya Ciidanka Xoogga dalka ee saakay la wareegay deegaanadaas oo lagu magacaabo Kornayl Maxamed Cabdullaahi Caraalle ayaa sheegay in ay la wareegeen deegaanada Leego, Yaaqbirweyne, Madax maroodi iyo deegaano kale.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in howlgalkaas ay ku dileen ku dhawaad 15 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab, sidoo kalana ay ka gubeen gaadiid dagaal, isagoo sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada oo hadda ay ku wajahanyihiin deegaano kale oo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.