Taliska ciidanka xoogga dalka qeybta 60-aad ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan howgalo la iskugu furayo dhamaan deegaanada Dowlad Gobaleedka Koofur galbeed Soomaaliya.
Generaal Maxamed Sheekh Cabdullaahi Taliyaha cusub ee qeybta 60-aad oo xilkan shalay la wareegay ayaa tilmaamay in ciidanka xoogga dalka sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabayaan howlgalkooda.
Taliyaha ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in qorshaha dadka looga korqaadayo cadowga ay ka kaashanayaan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Madaxdiisa kala duwan.


