Somali News

Ciidanka xoogga oo la wareegay deegaano ka tirsan Gedo.

Muqdisho-KNN-Taliyaha Ururka 49-aad, guutada 10-aad qeybtiisa 43-aad, Cali Maxamed Xasan, ayaa sheegay in ciidanka Xoogga dalka ay howlgallo balaaran ka sameeyeen deegaanno ka tirsan Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Waxaa uu  sheegay Taliyaha in ay Al-Shabaab ay ka saareen deegaannada ku xeeran Baardheere ee dhaca Webiga labadiisa geddi.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidanka ay la wareegeen deegaano hor leh oo ka tirsan degmada Baardheere ee Gobalka Gedo, isagoona sheegay in halkaasi Al-Shabaab ay dadka ku dhibaateyn jireen dadka iyo Gaadiidka.

Tuulooyinka Bakal, mataanaha iyo Buurweyn, oo ah goobihii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab laga saaray ayuu sheegay in taliyuhu i ay Shacabka halkaasi ku dhaqan aad usoo dhaweeyeen.

Howlgalo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa waxaa ay ka socdaan deegaano hor leh oo ka tirsan Gobalka Gedo.