Somali News

Ciidanka Xoogga oo miinooyin ka soo saaray deegaano hoos yimaada degmada Ruun-nirgood

Ciidamada Xoogga gaar ahaan Guutada 24-aad ee Khaalid binu waliid ayaa howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ka sameeya degaanada Gacal ugaas iyo Murcudka oo hoos taga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelada dhexe.

Saraakiisha Ciidanka Hoggaamineysa ayaa sheegay in ay qarxiyeen ay wadooyinka ku aaseen dagaalameyaasha Al-shabaab.

Sidoo kale, Saraakiisha ayaa sheegay in ay howlgalka sii wadi doonaan, si Al-shabaab looga saaro goobaha ay kaga sugan yihiin gobolka Shabeellada Dhexe.