Somali News

Ciidanka Xoogga oo soo bandhigay xubno ka tirsana Al-shabaab

Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan qeybta 60-aad ayaa soo bandhigay laba xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Labada xubnood ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Cabdulqaadir Yuusuf Aadan iyo Salaad Maxamed, iyaga oo maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga.

Raggaan ayaa waxaa ay ka qeyb galeen dhowr ah oo ka dhacay gobollada dalka.

Sidoo kale, labadaan nin ayaa sheegay inay u adkeysan waayeen dhibaatada ay Al-shabaab kala kulmayaan dadka shacabka ah.