Somali News

Ciidanka Xoogga oo weerar ku qaaday Fariisin ay Al-Shabaab ku leeyihiin Bakool.

Waajid-KNN-Wararka ka imaanaya degmada Waajid ee Gobalka Bakool ayaa sheegaya in Ciidamada xoogga dalka ay weerar ku qaadeen maanta fariisin ay Al-Shabaab ku leeyihiin duleedka degmadaasi.

Dad goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in khasaaro lixaad leh uu ka dhashay weerarkii lagu qaaday Al-Shabaab.

Saraakiisha Gobalka Bakool ayaa KNN u sheegay in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay ku dileen duleedka degmada Waajid ee Gobalka Bakool.

Weerarkan ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xilli Al-shabaab weeraro iyo qaraxyo ay ka geysanayeen Gobalka banaadir.

Dhanka ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab.