Uncategorized

Ciidanka Ahlusuna oo odayaal iyo hub ku soo qabtay howlgallo laga sameeyay duleedka Dhuusamareeb.

Dhuusamareeb-KNN-Ciidamada Amaanka Maamulkii Ahlusuna Ee Gobolada dhexe ayaa Howlgalo Shalay ilaa Maanta ay ka Sameeyeen Deegaano Hoostaga Magaalada Xarunta u ah Maamulka Galmudug Ee Dhuusamareeb ku soo qab qabtay Odayaal iyo Hub ka dib Dagaal Beleed ka dhacay Deegaano Hoostaga Degmadaasi.

Howl-galkaan ayaa intii uu Socday Ciidamada Waxaa u Suurta Gashay in ay Gacanta ku soo dhigaan ilaa 9 Oday dhaqameed oo ka mida Odayaasha Beelaha Diriray Sidoo kale waxa ay Gacanta ku Soo Dhigeen Hub aad u Fara badan oo ay ka soo Bixiyeen Guryo ku Yaala Dhowr Deegaan oo uu Howl galkoodu Saameeyay.

Ciidamada ayaa Howl-galkaan ka Sameeyay Deegaanada Xananbuure, Bohol, iyo Mirig oo ka tirsan Gob, Galguduud Ee Bartamaha Soomaaliya.

Wararka Idaacada Kulmiye ka Heleyso Deegaanadaasi ayaa Sheegay in Meelaha Qaar Dagaal ku dhexmaray Ciidamada Ahlusuna iyo Maleeshiyo Beeleedka Hubeysan.

Howl-galkaan ayaa yimid ka dib Marklii Kooxo Hubeysan ay Deegaan wax ka yar 15km u jira Dhuusamareeb ay ku Dileendad Shacaba ah Kuwo kalana ku dhaawaceen.

Wararka ay KNN Heleyso ayaa Sheegaya in Kooxihii Dilka Geystay u Baxsadeen Deegaanka Xeraale ee Gobolkaasi oo ay Maamulaan Ciidamadii Ahlusuna Horay ugula Dagaalamay Deegaankaasi waxaana Ciidanka Ahlusuna ku Adkaatay in ay Deegaankaasi uga Daba tagaan.

Saraakiisha Ciidamadaasi Hugaamineysa ayaa Sheegay in ay Howl-galkan ay sii wadayaan ilaa iyo inta ay Gacanta ku soo dhigayaan Kooxihii Dilka Geystay.