Uncategorized

Ciiddamo u dhashay Sweden oo ku soo biirayo Hawlgalka La-dagaalanka Burcad-baddeeda

Muqdisho-KNN-34 Askar Swedish ayaa ku soo wajahan Badda Somalia, si ay ugu biiraan Hawlgalka Caalamiga ee looga hortagayo Weeraradda Burcad-baddeeda Soomaalida ka geystaan Gacanka Cadmeed.

Wargeyska TheLocal.se oo Warkan daabacay ayaa qoray inay Ciiddankaasi qeyb ka yihiin Hawlgalkii 5-aad ee ay Ciiddanka Swedish-ka ka fuliyaan meel ka baxsan Badda Somalia.

Taliyaha Ciiddanka Swedish ka jooga Somalia, Major Thomas Olsson oo la hadlay Wakaalladda Eararka Swedish-ka ee TT news agency ayaa sheegay inay muhiimadda Koowaad ee Hawlgalkooda inuu yahay sidii ay u gelbin lahaayeen Maraakiibta u kireysan Hay’adda WFP ee shixnadaha Raashinka Kaalmada u wada Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray inay fasax u haystaan inay fargeliyaan iyo inay joojiyaanWeeraradda Burcad-baddeeda iyo Dhaca Hubeysan ee ka dhaca Badda Somalia.

Tirada weeraradda Burcadbaddeeda ayaa hoos u dhacay, kadib Dadaalka Caalamiga ee looga hortagayey Afduubka Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa Dalxiiska ee isticmaala Badda Somalia.

Sannadkan 2017 waxaa dhacay 8 iskuday afduub, kuwaasi oo la maarteeyey, laguna guuleystay in la sii daayo.