Muqdisho-KNN-Ciidamada AMISOM ayaa shalay dad rayid ah oo la sheegay iney beeraley ahaayeen waxaa ay ku dileen deegaanka Buurane oo hoos yimaada degmada Mahadaay ee gobalka Shabeellaha dhexe oo kana tirsan dowlad gobaleedka Hirshabeelle.
Dilka ayaa yimid ka dib markii mid ka mid ah gaadiidkooda ay haleeshay miino nooca dhulka lagu aaso ah, xilli ay ku guda jireen hawlgallo ay ka samaynayeen gobolka Shabeellada Dhexe.
Ciidama ayaana furay rasaas xoogan ka dib markii uu dhacay Qaraxa waxaana rasaastii ay ciidamadu fureen ku geeriyooday labo qof oo la sheegay in ay ahaayeen dad beeraley ah kuwaas oo ka mid ahaa Beeraleyda deegaanka Buurane.
Ciidamada AMISOM ee ku sugan deegaanada Hirshabeelle ayaa waxaa ay dhowr jeer la kulmeen qaraxyo noocan oo kale ah rasaasta ay ridaan ayaa waxaa waxyeelo ka soo gaartaa dadka iyo waliba xoolaha.


