Somali News

Ciilmooge” sharciyada uu lahaa dalka waxaa ka awood batay kan siyaasada iyo qabiilka”.

Wasiirkii hore ee Wasaarada warfaafinta Soomaaliya, hadana ah guddoomiyaha Xisbiga Xiis Cabdullaahi Ciilmooge Xirse ayaa waxaa uu ka hadlay arrimaha doorashooyinka ee la filayo in ay dalka ka dhacaan 2020- ilaa 2021-ka iyo sharci ay dhawaan wada gaareen madaxda dowladda Federaalka soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ka jira dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in sharciyada uu lahaa dalka ay ka awood bateen kan siyaasada iyo qabiilka, isagoona arrintaasi walaac xoogan uu ka muujiyay.

Sidoo kale wasiirka ayaa xusay sida xilligan looga gudbi karo dowlad, maadaama laga talaabay sharci uu meel mariyay baarlamaaanka Soomaaliya, islamarkaana uu saxiixay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiir Ciilmooge ayaa sidoo kale shaki weyn ka muujiyay inuu dhaqan galo heshiiska siyaasadeed ay wada gaareen madaxda qaranka iyo kuwa maamul goboleedyada, isagoona tusaale ahaan u soo qaatay in dib uu u dhacay waqtigii looga tala galay in la magacaabo guddiga doorashooyinka, waxaa uuna sheegay in xilligan aysan arrintaasi muuqan.

“Sharciyadii dalku lahaa Waxaa ka awood batay kii siyaasada ama qabiilka. Sidee ugu Gudbi karnaa dowlad karaamadeediis oo noqoto marba hadii hashiis baarlamaan iyo madaxweyne saxiixay inta la iska tuuray mid siyaasadeed si fudud loogu heshiin karo, waxaan shaki weyn ka qabaa in doorashada. Sababtoo ah waxaa dib u dhacay waqtigii lagu balamay in la soo magacaabo guddiga doorashooyinka ee heer Federaal iyo midka dowlad gobeedyada” ayuu yiri Cabdullaahi Ciilmooge Xirse.

Heshiiska madaxda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ay isku afgarteen ayaa lagu asteeyay in 10-ka bishan illaa 20-keeda ay labada dhinac ku soo magacaabaan guddiyada hagi doona doorashada, inkastoo arrintan uu dib u dhac ku yimid.

Soo xulista, diyaarinta ergooyinka iyo goobaha codbixintana lagu diyaariyo bisha Nofeembar ee sanadkan.

Doorashada Aqalka Sare ayaa dhici doonta 1-da illaa 10-ka Diseembar, halka xildhibannada Golaha Shacabka ay dhici doonto 10-ka illaa 27-ka Diseembar ee sanadkan.

Doorashada guddoonka labada aqal iyo Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa dhici doonta 1-da Janaayo illaa 8-da Febraayo 2021.