Uncategorized

Cillad ku timid diyaarada France Air iyadoo hawada kujirta

Mid kamid ah diyaaradaha shirkadda duulimaadyada ee Air France oo ka soo duushay magaalada Paris ee dalka Fransiiska, kuna sii jeeday gobolka Los Angeles ee dalka Mareykanka ayaa ku qasbanaatay inay ka weecato halkii ay ku socotay, oo ay si dhaqso ah ugu degto garoon ku yaala dalka Canada, kaddib markii ay cillad ku timid mid kamid ah matoorrada diyaarada.

Mid kamid ah afarta matoor ee ku rakibnaa diyaarada lambarkeedu yahay A380 ayaa qeyb ahaan burburay xili diyaaradu ay dulmareysay badda Atlantic.

Ilaa iyoo hadda majirta cid wax ku noqotay shilkani, waxaana diyaaradaasi saarnaa dad gaaraya shan boqol oo qof.

David Rehmar oo ah farsamayqaan dhanka diyaaradaha oo isagu sarnaa diyaaradan ay cilladu ku timid ayaa BBC-da u sheegay in marka uu qiimeeyay xaalada ay cilladu ka timid marwaaxada matoorka diyaarada, waxaana uu intaa ku daray in dhawaq ay maqleen, taasi oo khalkhal gelisay rakaabkii sarnaa diyaarada.

Dadkii diyaarada sarnaa ayaa waxaa ay shegeen in diyaarada muddo dhan saacad ay hawada kujirtay, iyadoo adeegsaneysa saddexda matoor ee kale, kahor inta aanay si dhaqsi ah ugu deign garoon ku yaala magaalada Labrador ee bariga dalka Canada.

Sawirro laga qaaday matoorka ay cilladu ku timid ayaa muujinaya burbur weyn oo ka muuqda matoorka.

Rakaabkii sarnaa diyaarada ayaa u muuqday kuwa argagaxay, waxaana garoonka ay diyaarada ku degtay la sheegay in xiligaasi uusan u diyaarsaneyn in uu qaabilo diyaarad noocaasi oo kale ah, taaso sababtay in dadkii sarnaa diyaarada ay ku xayirmaan gudaha diyaarada.

Mas’uuliyiinta Air France ayaa la sheegay in laba diyaarad oo gurmad ah ay u direen rakaabkii diyaarada, si loo geeyo halkii ay ku socdeen.

War qoraal ah oo ka soo baxay shirkadda ayaa lagu sheegay in cillad farsamo ay ku timid mid kamid ah matoorka diyaaradahooda, ayna mareyeen xaalada