Uncategorized

Ciyaarta Final-ka Tartanka Degmooyinka G/Banaadir oo Caawa la Ciyaarayo

Muqdisho–KNN– Garoonka Kubadda Cagta Ee Banaadir Stadium ee Magaalada Muqdisho Waxaa Goor dhow ka bilaaban doonta Ciyaarta kama Dambeysta ah ee ay wada yeelan doonaan Labo Kooxood oo ka kala socda Degmooyinka Hodan iyo Waabari ee Gobolka Banaadir.

Ciyaarta oo ah mid kama dambeys ah ayaa Caawa waxaa Garoonka Banaadir Stadium ku sugan Wasiirro ,Xildhibaanno iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daawan doona Ciyaarta.

Waa Markii ugu horeysay oo Xilli Habeen ah la qabto Ciyaar ka tirsan Tartanka Degmooyinka Gobolka Banaadir tan iyo markii ay dhacday Dowladdii dhexe 1991-dii.