Muqdisho-KNN-Ciyaartooyda Da’yarta Soomaaliyeed ee xulka Qaranka Soomaaliya ee ka qeyb galayay koobka bariga iyo bartamaha Afrika ee CECAFA ee sanadkaan ka dhacay dalka Burundi ayaa goor-dhaw dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.
Masuuliyiin uu ka mid yahay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kayrre ayaa ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaarahada magaalada Muqdisho waxaana lagu wadaa In loo sameeyo Xaflado lagu dhiiri gelinayo.
Ciyaartoyda da’doodu ay ka hooseyso 17 sano jirada ee Soomaaliya ayaa kaalinta labaab ka galay koobkaan kadib markii 2-0 looga badiyay ciyaartii kama dambeysta aheyd ee ay la ciyaareen dhigooda dalka Tansaaniya.
Ciyaartaas kama dambeysta aheyd ayaa waxaa ka qeyb galay wafdi Balaaran oo ka socda dowlada Soomaaliya si ay u dhiira geliyaan da’ayarta Soomaaliyeed, wafdigaas waxaa hogaaminayay Ra`iisul Wasaaro ku xigeynka dalka Mahdi Maxamed Guuleed iyo xubno kale.
Sidoo kale ciyaartaas waxaa Daawanayay Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahna duqii Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed iyo shacabka aad u fara badan kuwaas oo u sacaba tumayay ciyaartoyda Soomaaliyeed.
Waa heerkii ugu sareeyay uu gaaro xul ka socda Qaranka Soomaaliyeed muddadii ay Soomaaliya burburka ay ku jirtay.