Muqdisho-KNN-Laacibka u dhashay Brazil dhinaca Daafacana ugu Ciyaara Kooxda Chelsea ee ka dhisan Britain David Luiz ayaa soo jiitay quluubta taageerayaasha kubada cagta ka dib markii uu bogiisa rasmiga ah ee Twitter uu soo dhigay fariin uu uga murugoonayo xasuuqii dhowr maalmood ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay ku nafwaayeen in ka badan 300 ruux, tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeyn.
Daafaca reer Brazil ayaa bogiisa Tiwtter ku soo qoray: “Waa wax laga naxo oo qalbi jab ah quluubteena waxaan siinay Somalia” waxaana ka muuqday dareen iyo Murugo Xanuun badan oo ka dhalatay Xasuuqii ka dhacay Muqdisho.
Taageerayaal badan oo Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyay xiddiga reer Brazil sida dareenka leh ee uu uga hadlay musiibadii ka dhacay Muqdisho, waxaana soo qaadanay qaar ka mid ah.