Sports

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal Mohamed Elneny oo seegaya kooxdiisa inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Muqdisho-KNN-Tababaraha Arsenal macalin Arsene Wenger ayaa qiray in ciyaaryahanka khadka dhexe kooxda Arsenal Mohamed Elneny inuu seegi doono inta ka dhiman xilli ciyaareedkan kooxdiisa.

Intii uu socday kulankii Axadii ay 4-1 kaga adkaadeen West Ham United Premier League, Elneny ayaa dhaawac kasoo garay anqawga, kadibna waxaa shaaca ka qaaday in ciyaaryahanka uu dhaawac jilibka ah soo gaaray.

Wargeyska Gazzetta dello Sport ayaa u sheegay suxufiyiinta: “Elneny waa uu maqan yahay, hubaashii inta ka dhiman xilli ciyaareedkan, waxa uu diyaar u noqon doonaa xulka Masar,”

Elneny ayaa 31 kulan u saftay Gunners tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Qalinkii:Aadam Aqyaar