Somali News

Congress-ka Mareykanka oo billaabay Baaris xilka looga qaadayo Madaxweyne Trump

Xisbiga Dimuqraaddiga ayaa bilaabay xilka-xayuubin rasmi ah oo la xiriirta madaxweynaha Donald Trump, taas oo ah inuu ka codsaday Ukraine taageero siyaasadeed, sida ay qoreen warbaahinta Mareykanka.

Go’aankan ayaa ka yimid madaxa sare ee Dimuqraaddiga Nancy Pelosi oo tiri “waa in madaxweynuhu la kulmaa islaxisaabtan dhab ah”

Mr Trump ayaa iska fogaayey tallaabadaa doqonnimada ah, isagoona dedaalladaa ugu yeeray kuwo ‘qashin ah’.

Toddobaadkii la soo dhaafay warbixinno ayaa sheegaya in saraakiisha sirdoonka Mareykanka ay ku dhalleeceeyeen xukuumadda xiriirka Mr Trump uu la leeyahay hoggaamiye shisheeye, kaas oo markii dambe la soo faafiyey inuu yahay madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky.

Mr Trump ayaa qiray in uu madaxweynaha Ukraine kala hadlay Joe Biden, oo ah horjoogaha xisbiga dimoqraadiga si uu ula kulma sannadka 2020, Mr Zelensky.

Pelosi ayaa sheegtay in Mr Trump uu ku kacay “ku tagrifal sharci”, waxayna ku tilmaamtay ficilladiisa “inuu ku guuldarraystay waajibaadkiisii dastuuriga ahaa”.