Somali News

Corona: Kiisaskii ugu badnaa oo maanta laga helay Islii iyo cudurkan oo kusii faafaya Kenya

Nairobi-KNN-Wasaaradda Caafimaadka dalka Kenya, ayaa maanta shaacisay kiisaskii ugu badnaay ee cudurka Coronavirus oo laga diiwaan geliyey xaafadda ay  Soomaalidu ku badantahay ee Islii.

Illaa 29-kiis ayaa laga diiwaan geliyey xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo ay ku badan yihiin dadka Soomaaliyeed.

Guud ahaan Kenya waxaa maanta laga diiwaan geliyey 45 kiis oo cusub oo xanuunka COVID-19 ah, 29 ka mid ah dadkaasna waxay ku noolyihiin Islii.

“Qofna ma garanayo cudurka Corona, waana in dadka aan loo cunsuriyeyn” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda Caafimaadka ee dalka Kenya.

Tirada guud ee kiisaska cudurka Coronavirus ayaa gaartay gudaha dalka Kenya 535-kiis.

https://twitter.com/MOH_Kenya?ref_src=twsrc%5Etfw%7Ctwcamp%5Etweetembed%7Ctwterm%5E1257639571120152577&ref_url=http%3A%2F%2Fwww.bbc.com%2Fsomali%2Flive%2F52535099