Somali News

COVID-19 oo gaarey madaxtooyada Ruusha iyo Qadar Air weys oo WHO ugu deeqday kumanaan kun oo Tikid.

Afhyeenka madaxweynaha wadanka Ruusha Dmitry Peskov ayaa waxaa laga heley xanuunka safmareenka ah ee COVID-19.

Mr Dmitry ayaa waxaa ay tilmaameyaan wararka qaar in maalmihii ugu dambeeyeyba uu la xanuunsaneyey Cronavirus balse aan la shaacin waloow hadda ay xaqiijineyaan wararka kasoo baxaya Madaxtooyada Raashiya in masuulkaasi uu haleeley Kofid.

Dalka Ruush ayaa kamid ah meelaha cudurkaani uu faraha adag uu ku haayo waxaa jirta in wadanka Ruusha maalintiiba uu xaruukaan uu sooridaneyo Dad aad u farabadan.

Dhinac kale Diyaarada Qara  Airweys ayaa Khubara dhinaca Caafimaadka  ah ugu deeqday 100,000 oo Tikad kuwaas  dhakaatiirta Caalamiga ah ee (WHO) lagu geeyneyo kolba meshii looga baahado Dunida.

Deeqada ka timid Qadar Aiweys ayaa waxaa si diiran u soo dhaweeyey Midowga Reer Yurub  iyaga oo kutilmaamey Deeq timid Xeli si aad ah looga baahanaa.

Diyaarada Qadar Airweys  ayaa waxaa ay Noqoneysaa Shirkad Diyaaradeed tii ugu horeysey oo Duulimaad Bilaash ah ugu Deeqda  latacaalida Dhakhaatiirta Caalamka ay la tacaaleyaan Xanuunka Kodif-19.