Muqdisho-KNN-Cristiano Ronaldo Ayaa qirtay inuu si fudud ku doortay inuu kusoo biiro kooxda Juventus.
Kooxda heysata horyaalka Talyaaniga Ayaa dhigtay arin layaab ku noqotay inta xiiseesa kubada cag furitaankii suuqa kala iibsiga markii ay si aan lasii saadaalinaynin kula soo wareegeen xiddiga heerka caalami ee Dalka Portugal.
Ronaldo Ayaa soo gabagabeeyay waqti dheer uu joogay Bernabeu, Waxaana laab noqotay inuu si fudud ku qaato go’aan ah inuu soo gabagabeeyo horyaalka spain, lakiin weeraryahanka Ayaa sheegay inuu u wareegay Turin inuu ahaa go’aan sahlan.
33-jirkan ayaa u sheegay DAZN: “Weligay ma fileynin inaan ka tagayo kooxdaan, laakiin waxyaabo qaas ah ayaa u dhacaan si dabiici ah, aniga ahaan waxuu ii ahaa go’aan sahlan, waxa ka dhacay Madrid inta aan joogay waa wax cajiib ah, waxaan ku guuleystay wax walba, qoyskeyga ayaa ku nool halkaan, laakiin waa qayb ka mid ah taariikhda aan meel ku xariiqday.
Ronaldo ayaa kulankiisii ugu horeeyay ee Serie A u saftay Juventus iyagoo 3-2 kaga badiyay Chievo isbuuciman biliwgiisii.