Uncategorized

Culimada iyo aqoonyahana gobolka Hiiraan oo dalbaday in la joojiyo colaad gobolkaas ka taagan

Beladweyn-KNN-Iyadoo wali Xiisad colaadeed ay ka taagan tahay degaanno hoostaga degmada Maxaas ee dobalka Hiiraan, ayaa maanta magaalada Beladweyne kulan waxaa ku yeeshay aqoonyahano iyo qaar ka mid ah culumada magaalada kuwaas oo baaq ka soo saaray xiisadaasi taagan.

Culimada iyo aqoonyahanada ayaa yiri”waxan ka codsaneynaa waxgaradka iyo Odayaasha labada dhinac in ay ka qeyb qaataan qaboojinta dagaalkaas, isla markaana aan la barakicin dadka masaakiinta ah ee dushooda lagu dagaalamayo.”

Waxaa sidoo kale ay baaq u direyn Masuuliyiinta Maamulada HirShabeelle iyo Galmudug oo ay ka dalbadeen in ay kala dhexgalan labada maleeshiyo beelood ee uu dagaalka u dhaxeeyo.

baaqaan ayaa yimid kadib markii ay isa soo tar tay xiisada colaadeed ee ka dhax taagan laba maleeshiyo beeleed oo isku haysta dhul daaqsimeed, kuwaas oo ku dagaalamaya deegaano hoosyimaada gobolka Hiiraan.