Uncategorized

Culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay Nin ku nool Gaalkacyo oo u Gafay Nabigeena Muxamed (NNKH}

Muqdisho–KNN– Iyadoo Maalmahaan ay soo baxayeen War Ummadda Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed ka yaabiyay oo ahaa in Nin ku nool Koofurta Magaalada Gaalkacyo oo lagu Magacaabo C/wali Sheekh Cali Cilmi yare uu soo bandhigay Sawir uu ku sheegay inuu yahay Nabigeena Muxamad {NNKH} ayaa waxaa si kulul uga hadlay Culimadda Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho.

Culimadda Soomaaliyeed ayaa Bayaan ay soo saareen waxaa ay ku sheegeen in Ninka lagu Magacaabo C/wali Sheekh Cali Cilmi uu u Gafay Nabigeena Muxamed NNKH islamarkaana uu yahay Nin ka baxay Diinta Islaamka,waxaana ay Cambaareeyeen Falkaasi Foosha Xun.

Culimada Bayaankaan soo saaray waxaa kamida Sheekh Bashiir Axmed Saalad ,Sheekh Nuur Baaruud Gurxan,Sheekh Yuusuf Cali Caynte,Sheekh C/qaadir Sheekh Maxamed Soomow,Sheekh Cali Wajiis iyo Culimo kale oo aad u badan,waxaana Dhamaantood ay sheegeen in lagu jiro Aakhiru Saman islamarkaana Dagaal lagu wado Diinta Islaamka,waxaana ay sheegeen in ay jiraan Dad badan oo loo soo diray Soomaaliya si ay ummadda u baadiyeeyeen.

Culimada ayaa ugu baaqay Maamulka Galmudug in ay Sharciga horkeenaan Ninkaan u Gafay Xabeebkeena Muxamed Naxariis iyo Nabad Gelyo Korkiisa ha ahaatee.