Somali News

Cumar Filish oo guddoomiyey kulan ay isugu yimaadeen maamulka iyo saraakiisha amniga G/Banaadir

Muqdisho-KNN-Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa shir gudoomiyay kulankii todobaadlaha ahaa, kaas oo ay isugu yimaadeen guddoomiyaasha degmooyinka iyo maamulka sare ee gobolka Banaadir.

Kulankaas oo xalay ka dhacay Muqdisho waxaa kasoo qeyb galay guddoomiye ku xigeenada maamulka gobolka, saraakiil uu hoggaaminayey Taliyaha qeybta guud booliska gobolka Banaadir S/Guuto Saadaq Cumar Xasan, iyo guddoomiyaasha 17-ka degmo ee gobolka Banaadir.

Qoraal kooban oo soo baxay maamulka gobolka ayaa lagu sheegay in kulankaas loogu mahad celiyay saraakiisha iyo ciidanka amniga gobolka Banaadir, kuwaas oo lagu amaanay inay ku guuleysteen sugida amniga caasimadda bishii lasoo dhaafay ee Ramadaan, taas oo aad loo xakameeyay weerarradii amni daroo oo  ay geysan jireen Al-Shabaab.

 “Waxaan uga mahadcelnineynaa Ciidamada Amniga Sugida amniga Caasimada bishii kheyrka badneed ee inoo soo dhammaatay ee Ramadaan, sida ay u sugeen amniga iyo sida ay ula shaqeeyaan shacabka, maamulka gobolka banaadir iyo maamulada degmooyinka” ayaa lagu yiri qoraalka maamulka gobolka Banaadir.