Uncategorized

Cutubka 5-aad Ciidanka DANAB ee Xooga Dalka oo tababar loo soo xiray.

Muqdisho-KNN-Cutubka 5-aad ee Ciidan DANAB ee xooga dalka Soomaaliya ayaa maanta tababar loogu soo xiray magaalada Muqdisho.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Generaal C/laahi Cali Caanood ayaa ciidanka ku biiraya DANAB tababarka ugu soo xiray Dugsiga Tababarka Ciidanka Generaal Dhega-badan ee magaalada Muqdisho.

Gaadi ciyaar iyo dhoolatuska Ciidanka oo ku aadan Tababarka ay qaateen ayay ku goobta ku soo bandhigeen Ciidamada, waxaana Tababarkaas bixiniyay Macallimiin Soomaaliyeed oo la siiyay qibrado ku aadan Difaaca dalka.

 

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Janeraal C/laahi Cali Canood oo wasiirka gaashaan dhigga uga warbixinayay ciidanka tababarka loo soo xirayay ayaa waxaa uu  sheegay Ciidanka hadda tababarka dhameystay ee DANAB ay yihiin cutubkii shanaad, isagoo tilmaamay in ciidanka DANAB ay dhowr jeer guulo ka gaareen Al-shabaab.

Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan Wasiirka Gaashaandhiga oo soo xirey Tababarkan ayaa kula dardaarmey ciidanka  loo soo xiray  Tababrka ee katirsan Danab iney u diyaar-garoobaan Difaaca Dalka.

“Waxaad ka mid noqoteen Ciidamada Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay ku faanto bulshada Soomaaliyeed, waxaad ka mid noqoteen ciidamada Danab oo ah ragga safka hore ugu jira sidii loo difaaci lahaa shacabka Soomaaliyeed loogana Difaaci lahaa Argagixisada gudaha” Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga.