Muqdisho-KNN-Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxa ay sheegeen in ay hawlgallo ay ka sameeyeen qaybo ka tirsan Jubbada Hoose ay kula wareegeen Tuulooyin hor leh, sidoo kale ay ku dileen hawlkaas xubno ka tirsan Al Shabaab
Hawlaglka oo ay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay sameeyeen ayaa ay ku sheegeen in ay kulasoo wareegeen ilaa Afar Tuulooyin ah, kuwaasi oo hoos yimaada Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose
Saraakiisha Hawlgalkan horkacayay ayaa sheegay in sidoo kale ay hawlgalkan ku dileen 5 ka tirsan dagaalamayaasha Al Shabaab halka 4 kalena ay Nolosha kusoo qabteen sida ay sheegeen
Tuulooyinka ay sheegeen in ay Ciidamada Xoogga Dalka ay la soo wareegeen ayaa kala ah Soomareey,Heynaroow,Janal-Ajey iyo Yireey oo dhammaantod hoos yimaada Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose
Ilaa iyo hadda ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Al Shabaab, kaasi oo ka madax banaan kan ay sheegeen Saraakiisha Dawlada ee hawlgalka Hogaaminayay