Somali News

CXD oo sheegay in ay hawlgallo ku dileen xubno ka tirsan Al Shabaab

Muqdisho-KNN-Wararka nagasoo gaaraya Gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Howl-gallo ay Ciidamada  Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qaybtooda guutada 14 Oktoobar ka fuliyeen deegaanka Jilib Marka ee Gobolka Shabeellada Hoose ay ku burburiyeen fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen degmadaasi.

Qaar ka tirsan Saraakiisha  hogaaminayay hawlgalka, oo la hadlay Warbaahinta Qaranka Soomaaliya, ayaa sheegay in ay ku dileen hawlhalka ilaa Lix xubnood oo katirsan dagaalamayaasha Al Shabaab,waxa ay intaa ku dareen in ay sidoo kale hawgalkaasi kula soo wareegeen hub iyo saanad milateri.

Al Shabaab ayaan wali wax war ah kasoo saarin dhinacooda,kaasi oo ka madax banaan kan ay sheegeen Saraakiisha Dawladda Soomaaliya.