Somali News

D/Soomaaliya iyo D/Goboledyada oo ka shiray Amniga dalka

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda  Amniga Gudaha Farxaan Cali Axmad ayaa shir Guddoomiyay shir Socday Muddo laba maalin ah oo ay kasoo qaybgaleen Wasiirada Amniga Gudaha heer Dowlad Goboleed, Agaasimaha Guud ee wasaaradda Amniga XFS Mudane Yusuf Cali Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Saraakiil Booliis Ka socotay dowlad goboleedyada, UN-ka iyo Deeq bixiyayaasha taakuleeya Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed labadiisa heer.

Farxaan Cali Axmad Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa ka hadlay ujeedka shirka uu daarnaa, isagoo sheegay inuu ahaa sidii deeq bixiyaasha Caalamiga ah ay u wadi lahaayeen taageerida Ciidamada Booliska & Amniga dalka taasina ay isku afgarteen.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Hay’adaha UN-ka iyo deeq bixiyaasha intaba ay u gudbiyeen in Madaxweyne Xasan Shiikh muhiimadiisa koowaad uu yahay in uu waxka qabto Amniga dalka, isla markaana dhankooda deeq bixiyeyaasha ay aqbaleen baaqa ay u soo jeediyeen.

Ugu, dambeyn Wasiiru Dowlaha ayaa  u mahad celiyay dhamaan kasoo qaybgalayaasha Shirka, wuxuuna si gaara ugu mahadceliyay Wasiirada Amniga ee Dowlad Goboleedyada oo muujiyay xilkasnimo iyo Wadashaqeyn wanaagsan oo ka dhaxeeyso.