Somali News

Daacish oo 19 qof ka afduubatay bartamaha Syria

Maleeshiyo gacansaar la leh kooxda Daacish ayaa afduubtay ugu yaraan 19 qof oo u badna dad rayid ah, kaddib markii ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen magaalada Al-sa’an ee bartamaha wadanka Syria.

Afduubkan oo Talaadaadii dhacay waxaa sideed ka mid ah dadkan ay ka tirsanaayeen ciidanka Syria, halka 11-ka kalena ay ahaayeen dad rayid ah.

Weerarkan ayaa sidoo kale lagu dilay qof rayid ah, halka ay dhowr qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay qortay wakaalada wararka ee SANA.

In kasta oo Daacish laga saaray dhulkii ay heysteen bishii Maarso 2019, hadana waxay sii wadaan weerarro waxyeello leh oo ka dhaca Syria oo dhan, waxaana toddobaadyadii la soo dhaafay, kooxdan maleeshiyada ah ay sidoo kale bartilmaameedsadeen xoogagga Dimuqraadiga bariga Syria ee Mareykanku taageero.