Somali News

Daacish oo dad badan ku dishay Ciraaq

Inta la xaqiijiyay 11 ruux ayaa ku geeriyootay tiro kale oo inta badana waa ay ku dhaawacmeen weerar ay koox hubaysan oo Daacish ku qaadeen magaalo ku taala bariga dalka Ciraaq.

Warar laga soo xigtay saraakiil Ciraaqiiyiin ah ayaa lagu sheegay in kooxda hubeysan ee ururka Daacish ka tirsan ay weerareen degaanka Xawaasha oo ka tirsan gobolka Diyaala halkaasoo ay ku dileen toboneeyo ruux dad kalena ay ku dhaawaceen.

Booliska Ciraaq waxay sheegeen in kooxda Daacish ka tirsan ee weerarka qaaday ay dadka qaar gawraceen markii ay magaalada soo galeen kadibna ay baxsadeen.

Sidoo kale waxaa jira dad ay qafaasheen.

Weerarada noocaan oo kale ah ee Daacish inay Ciraaq ka geystaan waxaa ugu dambeysay sanadkii 2017 markaasoo laga saaray dalkaas magaalooyin ay haysteen.