Uncategorized

Daacish oo sheegatay Dil ka Dhacay Magaalada Boosaaso

Boosaaso–KNN–Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa fiidnimadii  Xalay waxay toogsho ku dileen hal qof oo shacab ah, waxaa kaloo weerarkaas ku dhaawacmay Taliye ku xigeenka Saldhigga Baalade ee magaalada Boosaaso Laba-xidigle Cabdiraxmaan Barre Saalax iyo nin shacab ah.

Weerarkan ayaa wuxuu ka dhacay goob lagu shaaheeyo oo ku taalla isgoyska far irdood ee magaalada Boosaaso.

Maamulka Puntland ayaan weli wax war ah ka soo saarin dhacdadaan.

Kooxda Daacish ayaa sheegtay in ay weerarkaas iyagu gesteen.

Goobjoogayaal ay sheegay in ay baxsadeen nimankii weerarka geystay.

Taliye ku xigeenka iyo ninka shacabka ah ayaa dhaawacooda waxaa lagu dabiibayaa
isbitaalka magaalada Boosaaso.