Muqdisho-KNN-Kooxda Daacish ee gulufka soo xoogeysanaya ka wada Soomaaliya ayaa war ay ku faaafisay barta ay lu leedahay Internet-ka waxa ay ku sheegatay masuuliyadda dil shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.
Dilkan oo ka dhacay degmada Wardhiigleey ayaa kooxda Daacish waxa ay sheegtay in ay ku dishay xubin ka tirsan sirdoonka Soomaaliya, inkasta oo wali si rasmi ah aanan loo ogeyn waxa uu ahaa dhibanihii dilka loo geystay.
Daacish iyo Al-Shabaab ayaa ku tartamaya dilalka dadka aan waxba galabsan ee Muqdisho ku nool, kooxo kale oo daaha hoostiisa wax ka maamulana dilalka kama marra, dawladda Soomaaliyana waxa ay umuuqataa in ay dusha uun ka eeganeyso xaaladdan cakiran.