Somali News

Daacish oo soo bandhigtay dagaalamayaal ay ku tababartay Soomaaliya

Boosaaso-Kooxda Daacish ee  ka dagaallanta Soomaaliya ayaa baahisay  sawirrada dagaalamyaal  ka tirsan kooxdaasi  oo ku tababaranaya Buuraleyda Gobolka Bari ee Soomaaliya.

Xerada ciidan ee lagu tababarayo dagaalamayaasha cusub waxay Daacish u bixisay “Xerada Dawoud al Somali” waxaana ay ugu magac-dareen tababare ciidan oo hore kooxda looga dilay.

Sawirada ay baahiyeen kooxda Daacish ayaa waxaa ay ku sheegtay in dagaalamayaashan ay ka mid noqon doonaan kooxdooda.

Dhawaan ayay aheyd markii dowladda Mareykanka ay sheegtay in dagaalamayaal badan ay ku biirayaan kooxda daacish, taasina  waxaa ay ka muujiyeen walaac xoogan.