Somali News

Daacishta Soomaaliya oo sheegtay iney baahi weyn u qabto dhaqaatiir Ajnabi ah

Muqdisho-KNN-Daacishta Soomaaliya ayaa ka dalbatay dhaqaatiirta kasoo jeeda wadamada reer galbeedka in ay Soomaaliya u yimaadaan sidii ay adeegyo caafimaad oo bilaash ah uga fulin lahaayeen gudaha Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay Daacish oo iska soo duubay muuqaal soconaya mudo 15 daqiiqo ah ayaa sheegay in dhaqaatiirta ay u baahanyihiin ay iskugu jiraan kuwo xirfad sare leh sida qaliinka.

Waxaan goordhaw booqanay tuulooyin dhawr ah halkaas oo dadka ku nool intooda badan ay yihiin xoolo dhaqato waana dad dan yar ah oo aanan heli Karin xarumo caafimaad ayuu hadalkiisa sii raaciay ninkan u hadlay daacishta Soomaaliya oo wajigiisa daboolnaa xiligi oo muuqaalka duubayay. 

Sidookale Daacish ayaa ku eedeeysay dowlada Soomaaliya in ay dayacday doorkii uga aadanaa caawinaada iyo garabsiinta dadka reer miiga ah gaar ahaan kuwooda danta yar ee aanan heli Karin adeegyada caafimaad.

Afhayeenkan u hadlay Daacish qaybteeda Soomaaliya ayaa ugu dambayn sheegay in ururkooda ay ka go’antahay siiwadida adeegyada caafimaad ay siinayaan dadka Soomaaliyeed isagoona intaasi kusii daray illaa iyo haatan in ay gargaar caafimaad u fidiyeen dad gaaraya 200 oo ruux.

Dagaalamyaasha Daacish qaytooda Soomaaliya ayaa tira ahaan lagu qiyaasaa in ay gaarayaan 250 dagaalame halka dagaalamyaasha al-Shabaab oo ay diriri ay ka dhaxaysana ay dhankooda tira ahaan lagu sheego in ay gaarayaan 7,000 oo dagaalame.