Somali News

Daadad ku dhuftay Faransiiska.

Muqdisho-KNN-Ugu yaraan 6 Qof ayey Daadad ku dileen Gobolka Woqooyi Galbeed ee Faransiiska, Masuuliyiinta Gobolku waxay sheegeen in roob u qalma Bilo uu saacado kooban Da’ay islamarkaana uu la tagay Jidgooyooyinkii meelaga qaar yaalay.

Haweeneey ayey Daadadku la tageen Waxayna ku dareen Wabiga Awd, sida uu wariyay TV-maxali ah.

Waxaa Gobolka laga bilaabay Howlo samato bixin ah oo la doonayo loogu gurmado Dadka ay Daadadku halista galiyeen.

Hal qof ayaa sidoo kale lasoo sheegay in uu ku dhaawacmay guri kusoo dumay.

Waaxda Gurmadka Degdegga ah ayaa waxaa ay Dadka kula talisay in ay goryahooda ku jiraan.