Somali News

Daadad ku fatahay Kuuriyada Waqooyi oo laga cabsi qabo in ay wax yeeleeyaan warshahadaha soo saaro Niyukleerka.

Muqdisho-KNN-Sawiro lagu qaaday dayax-gacmeed ayaa muujiyay daadad xoogan oo ku fatahay Kuuriyada Waqooyi in ay wax yeelo ugeesan karaan warshadaha soo saaro hubka Niyukleerka.

Website ka faaloodaa arimaha Kuuriyada Waqooyi ayaa daabacay in dayax gacmeedkan oo ah mid ganacsi uu sawiradaasi soo qaaday intii u dhaxeesay 6’dii illaa iyo 11’kii bishan August.

Xadka labada Kuuriya kala qaybiyo ayaa kamid meelaha uu roobka xoogan ka da’ayo iyadoona lasheegayo in ay tahay mid kamid ah taariikhda roobkii ugu xooganaa ee ka da’o labada Kuuriya.

Quburo u dhashay Mareykanka ayaa dhankooda sheegaya in cabsida ugu wayn ee qabaan ay tahay in daadadku ay wax yeeleeyaan warshadaha soo saaro hubka sida wayn wax u gumaada ee Niyukleerka.