Somali News

Daadad ku dhiftay deegaano badan oo ka tirsan Puntland

Garowe-KNN-Deegaano badan oo ka tirsan gobolka Nuugaal ayaa laga soo sheegayaa Daadad xoogan oo kusoo rogmady, ka dib Roobab Mahiigaan ah oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ay deegaanada maamulka Puntland.

Degaanada kala ah Sunijiif, Dan-goronyo, Libaaxo, Xaaji Khayr iyo deegano kale oo ka wada tirsan gobolkaas ayaa la soo sheegayaa in ay daadad xooggan ku dhifteen 24-kii saac ee la soo dhaafay kadib Robab xoog leh oo si, is daba joog ah uga da’ayey.

Wali lama soo warin wax khasaare Nafeed ah oo ka dhashay Daadadkaas, hayeeshee waxaa la sheegay in ay jiraan guryo iyo deegaano ay waxyeelo u geysteen Dadadkaas.

Caasimadda Puntland ee Garowe, ayaa sidoo kale Roobkii shalay ku bilowday  waxa uu ku soo gaaray barqanimadii sakay, waxaana magaalada dhex qul-qulaya Daadadkii uu reebay Roobkaas.

Dadka ku nool xeryaha Barakacayaasha ee ku yaala magaalada Garowe ayaa waxaa la soo shegayaa in uu saameyn xoogan ku yeeshay Roobabka oo da’ayey mudo badan.