Somali News

Daadad ku rogmaday Magaalooyinka Beledweyne iyo Luuq oo Shacab fara badan ay saameeyeen.

Wararka naga soo gaaraya degmada luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in dad badan ay ka barakaceen daad xooggan oo ku soo rogmaday xaafadaha qaar ee degmadaasi.

Maamulka degmada Kuuq ayaa sheegay in roob curtay uu sababay in Fatahaado iyo daadad xoogan ay saameeyaan qeybo ka mid ah gobolka Gedo gaar ahaan degmada luuq oo ka dhasheen barakac xoogan.

Sidoo kale, roobkii ka da’ay magaalada Baladweyne ayaa sababay in daad uu ku soo rogmado xaafada ka tirsan magaaladaasi.

Ma jiro khasaare dhimasho ah, balse dad faro badan ayaa ka barakacay Degmada Luuq oo xaalad adag wajahaya.