Somali News

Daahir Maxamuud Geelle oo ka haray tartanka Doorashada

Daahir Maxamuud Geelle oo kamid ah Musharixiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Doorashada maalinta berri ka dhaceysa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu gabi ahaanba ka tanaasulay tartanka.

Daahir Geelle oo qoraal kooban ku daabacay boggiisa Facebook ayaa sheegay inu isaga haray tartanka doorashada Madaxtinimada dalka.

“Waxaan si rasmi ah u shaacinayaa in aan ka haray tartanka doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xelli doorasheedkan, aniga oo sii wadi doona dadaallada aan ugu jiro toosinta iyo horumarinta siyaasadda Soomaaliya” ayuu yiri Geelle.

Daahir Geelle ayaa noqonaya Musharixii saddexaad ee shaaciya in uu isaga haray doorashada, waxaa hore uga haray Cabdikariim Guulleed iyo Cabdinaasir Cabdulle.