Muqdisho-KNN-Hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo wareysi dheer siiyay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dhanka siyaasadda.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa wareysigiisa uga hadlay arimaha doorashooyinka dalka ku soo wajahan, xaaladda maamul goboleedyada Jubbaland, Galmudug iyo arimo kale oo dhawr ah.
Mar wax laga weydiiyay sax ahaanshaha safarkii ay ku tageen magaalada Kismaayo oo ay uga qeyb galeen isaga iyo siyaasiyiin badan oo Soomaaliyeed caleema saarkii Axmed Madoobe ayaa waxa uu sheegay in ay ku sax naayeen go’aankaas, isagoo waxa sababay khilaafka Jubbaland ku sheegay in ay tahay sharci daro ay wasaaradda arimaha gudaha ku doonayso in ay maamusho doorashada Jubbaland, taas oo sida uu sheegay Cabdiraxmaan ay u madax banaanyihiin dadka reer Jubbaland.
Halkaan ka Daawo wareysiga CC Warsame oo dhameys tiran:-


