Uncategorized

DAAWO-:Dadkii Maraykanka ku laayay Shabeelaha Hoose oo meydkooda la keenay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Magaalada Muqdisho ayaa galabta la soo gaarsiiyay dadkii uu maraykanka ku xasuuqay duleedka deegaanka Bariire ee gobalka Shabeelaha Hoose kuwaas oo ahaa Beeralay toogasho toos ah loo geestay.

Meydadkan ayaa saxaafada loogu soo bandhigay Isbitaalka Madiina, waxaana ku jiray labo carruur ahaa, waxaana sidoo kale la soo bandhigay magacyadooda shaqadii ay qaban jireen oo aheyd Beeralay.

Ciidamo Mareykan ah oo ay wehliyeen Ciidamo Soomaali ah ayaa la sheegay in saaka howl gal ay ku qaadeen dhul beeraley ah oo ku dhow Bariire, halkaasoo dadkan ay ku dileen, wararka qaar ayaa sheegaya in dadkan ay ka soo jeedeen Hal qoys.

Soomaaliya waa dal dadkiisa macno daro Maalin walba ay u dilayaan Dowladaha ay Soomaaliya Ciidamada ka joogaan mana jirto cid talaabo ka qaado Xad gudubyadaasi.

Maraykanka ayaa markii labaad Xasuuq u geysanayo shacab masaakiin ah, dhacdadii tan ka horeysay ayaa ka dhacday Duleedka degmada Jilib ee gobalak Jubada dhexe.

Dowladaha Ethiopia iyo Kenya kuwa kale AMISOM ayaa hore dadka Soomaaliyeed Macno daro xasuuq ugu geysan jiray waxaana hada ku soo biiray Maraykanka oo dil wadareed ka fuliyay meelo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya kama xishooto in ay ku deg degto Sheegashada Xasuuqa Shacabka, Maanta Wasiirka Gaashaan dhigga Soomaaliya waxa uu sheegay in la dilay Dad hubeysan sidaan oo kale Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay 7 Dagaalame Shabaab ah lagu dilay Jilib waana tan ku sii dhiiri gilineyso Dowladaha Shishiiye Xasuuqa Shacabka.

Dowaldda Soomaaliya ayaa Al-Shabaab ku eedeeyso Xasuuqa Shacabka, Balse kama kama jawaabto Xasuuqa AMISOM iyo Maraykanka ka geestaan Soomaaliya.