Somali News

Daawo: Galmudug oo war ka soo saartay dagaalkii dhex-maray ciidamada DF iyo Al-Shabaab

Dhuusamareeb-KNN-Maamulka Galmudug ayaa faahfaahin rasmi ah ka bixiyey dagaalka saacadihii u dambeeyey deegaano dhaca koonfurta Dhuusamareeb ku dhex maray ciidamada dowladda federaalka iyo Al-Shabaab.

Wasiirka warfaafinta dowladda goboleedka Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa warbaahinta uga warbixiyey sida ay wax u dhaceen, waxuuna guulo ka sheegtay dagaalkii ay ciidamadu la galeen Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa tacsi u diray ehellada laba askari oo shalay ku geeriyootay qarax ciidamadaas markii ay ka baxeen Dhuusamareeb lagula beegsaday deegaan lagu magacaabo Sina-dhaqo.

Sidoo kale waxuu caafimaad u rajeeyey illaa sideed askari oo kale oo qaraxaas ay dhaawacyo ka soo gaareen, isagoo balan qaaday in maamulku si dhow uga warqabi doono caafimaadkooda.

Hoos ka Daawo

https://fb.watch/1H7vSz8cvu/