Hargeysa–KNN– Afhayeenka Guddiga Doorashada Somaliland Saciid Cali Muuse oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay jiraan Warar la isla dhexmarayo Degaanada Somaliland iyo Dalka Dibaddiisa intaba,taas oo ah in Xisbi kamida Xisbiyada u Tartamaya Doorashada Madaxweyne uu ku Guuleystay Doorashadii dhacday islamarkaana ay bilaabeen Banaanbaxyo iyo Dabaaldagyo waa weyn intaba.
Saciid Cali Muuse Afhayeenka Guddiga Doorashashada Somaliland ayaa dadkaasi uga digay in ay sameeyaan Arrimo la xiriira Been abuur iyo Borabogaando intaba.
Halkaan Hoose ka daawo Muuqaalka