Somali News

DAAWO:-Idaacadda Kulmiye oo noqotay Warbaahinta ugu wanaagsan ee Sanadkan sii dhamaanaya.

Muqdisho-KNN-Munaasabad lagu abaal marinayo guuleystayaasha 16 waji oo si online ah ugu soo dhex muuqatay muqdisho Awards ayaa xalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho, waxaana ka soo qayb galay munaasabada masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda oo uu qayb ka yahay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho iyo marti sharaf kale oo madasha lagu casuumay.

Tartankan oo ahaa mid online ah ayaa ujeedkiisu ahaa mid lagu ogaanayo halka uu gaarsiisanyahay howsha ay qabtaan sharikadaha iyo shaqsiyaadka tartankan qaybta ka ahaa waxaana xusid mudan in uu ahaa mid lagu codeenayo social madia qaab online ah.

Shabakadda wararka kulmiye  ayaa qayb ka ahaa tartanka waxaa ayna ka soo dhex muuqatay dhowr xarumo warbaahineed oo muqdisho ka howl gala, waxaana KNN ay gaartay guusha iyada oo heshay codadka ugu badan ee la tiriyay iyadoona sidaasi loogu aqoonsaday warbaahinta ugu wanaagsan uguna dhagaysiga wanaagsan ee Muqdisho.

Sheikh Cali Wajiis la taliyaha dhanka arimaha diinta ee Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo , kana mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa Madasha xaflada  guulaha iyo abaalmarinada lagu soo bandhiyay waxaa uu ka sheegay in uu sugayay guusha KNN Filashadiisuna ay urumowday marka la soo hor dhigay warqada ay ku qoranyihiin sharkadaha iyo shaqsiyaadka hal abuurkoodu guulaystay.

Muuqaalkan Waa abaalmarinta