Somali News

DAAWO:-Kenya oo sheegtay in la soo afjaray Weerarkii dhacay.

Muqdisho-KNN-Weerarka oo Noociisu uu la mid ahaa kuwo Al-shabaab ay ka geeysteen Maglaadda Muqdisho ayaa waxaa uu qaatay mudo ka badan 13 saac, ilaa iyo hadana waxaa la aaminsanyahay in raggii weerarka qaaday ay hotelka ku jiraan.

Galinkii Dambe ee Talaadadii ayaa rag hubeeysan oo ka tirsan Al-shabaab waxay Weerarku qaadeen Hotelka oo Dusit lagu magacaabo kana mid ah kuwa ugu heer sarreeya Magaaladda Nairobi kuna yaala Xaafad ay deegaan Dadka ladan degan yihiin.

Warbaahinta Kenya oo ka warrantay qaabka uu weerar ku ku billowday ay sheegtay in ragga weerarka qaaday ay Bombo la dhaceen Gawaaridii hotelka yaalay kadibna uu mid ka mid ah is qarxiyay.

Wargeyska the star ee Kenya ayaa waxaa uu tiradda ragga weerarka qaday ku sheegay in ay yihiin ugu yaraan lix qof.

Goor ay saacaddu ahayd 3:00 galinkii Dambe ee xalay ayaa waxaa la soo badbaadiyay Dad gaaraya 150 ruux, qof Dadkaas ka mid ah oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gudaha ay wali ku jiraan Dad badan oo u baahan gar gaar deg-deg ah, sida ay ku Warrantay reuters.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya Fred Matiang’I ayaa sheegay xalay markii ay saacaddu ahayd 11 kii Saqdii dhexe in Dad badan lasoo badbaadiyay Amaanka xaruntana la sugay balse ciidanka amaanku xaqiijin wadaan.

Hase haatee Hadalka Wasiirka kadib wxaa soo baxaya in Weerarkii Shalay galinii Dambe ka Biloowday Nairobi ay ku waabariisatay.

Ugu yaraan 15 oo meyd ah ayaa la geeyay goobaha meydka lagu kaydiyo, sida uu qof halkaas tagay u sheegay Warbaahinta Reuters.

11 qof oo mid ka mid ah Dadka dhintay waa muwaadiniin Kenyan ah, qof waxaa uu u dhashay Mareykanka, mid kalena waa british, Labo kalena lama ogaan cidda ay yihiin.

Sida uu ku waramayo Wargeeyska the star, Rasaastu waxay hadda ka socotaa Dabaqa Todobaad. Qof ay ciidanku soo badbaadiyeen 4: 00 oroornimo ayaa eheladisa waxaa uu u sheegay in Caiidanka Booliisku aad ugu dadaalayaan sidii ay Dadka la heeysto uga soo badbaadin lahaayeen.