Muqdisho-KNN- Faahdaahino ayaa ka soo baxaya qaraxyo ka dhacay hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho.
Inta la ogyahay 14 qof ayaa ku dhimatay qaraxyada, halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen, sida uu soo sheegayo wariyaha KNN ee Cabdi Wahaab Aadan Cabdi Raxmaan.
Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay laamaha amaanka ee Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Waxaana Weli soconaya Gurmadka loo sameynayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxyada ka dhacay Hotel Saxafi ee Magaalada Muqdisho.
Halkan ka Daawo Sawirrada.




