Muqdisho-KNN-Kulankii Sabtida maanta lagu waday in ay yeeshaan xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa u baaqday kooram la’aan.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Cabdiwali Sheikh Ibraahim Muudey ayaa sheegay in aan la aqbali doonin in kulan dambe uu u baaqdo kooram la’aan isagoo xildhibaanadii maanta maqnaa ka dalbaday inay soo xaadiraan kulamada golaha, isagoo xusay in shaqa badani hortaallo.
Xildhibaanada golaha Shacabka ayaa xalay loo diray fariin lagu war galinayo in ay sabtidii saakay soo xaadiraan xarunta golaha, waxaana lagu madalsanaa in la hor keeno Ajendayaasha kala ah:
1-Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Daawada.
2-Akhtinta 1aad ee Xisaab Xirka 2018
3-Iyo Akhtinta 2aad Hindise Sharciyeedka Naqshadaynta Magaalooyinka.
Haalkaan ka daawo:


