Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta waxaa uu dhagax-dhigay Madxafka Qaranka,kaas oo dhawaan dib u dhis balaaran lagu sameyn doono.
Munaasabada ayaa waxaa goobjoog ahaa Madaxweynaha dalka ,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,Wasiirada Maaliyadda iyo madaxda Kale.
Madaxweyne Farmaajo oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed laga doonayo in ay dib u dhistaan dalkooda hooyo.


