Somali News

Daawo: Madaxweyne Qoor Qoor oo shaaciyey inuu la xisaabtami doono wasiirradiisa

Dhuusamareeb-KNN-Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa saacadihii u dambeeyey saxiixay shuruuc dhowr ah oo ka soo gudbay baarlamaanka maamulka Galmudug.

Munaasabad lagu qabtay Madaxtooyada Galmudug ayuu madaxweyne Qoor Qoor ku saxiixay shuruucdan oo uu ku tilmaamay kuwo muhiim u ah jiritaanka Galmudug.

Dhowrka sharci ee uu saxiixay madaxweyne Qoor Qoor ayaa kala ah, Shariga Maarreynta Deegaanka, Sharciga Hey’adaha, Sharciga Dhismaha Booliiska iyo Sharciga Dowalaha Hoose ee Galmudug.

Shuruucdan waxaa soo diyaariyey wasaaradaha kala ah, Deegaanka, Qorsheynta, Amniga, iyo wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowlaha hoose ee Galmudug.

Munaasabadda saxiixa waxaa kasoo qeyb-galay madaxweyne ku xigeenka Galmudug, guddoomiyaha barlamaanka, guddiyada joogtada ah ee barlamaanka,  xubno ka tirsan labadda gole, garsoorka, la- taliyeyaal iyo howlwadeenno ka tirsan Madadaxtooyada Galmudug, sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska Qoor Qoor.

Madaxweynaha Galmudug ayaa golayaasha fulinta iyo sharci dejinta maamulkiisa  waxa uu uga mahadceliyey ansixinta shuruucdan. isagoo xusay in shuruucdan ay gundhig u noqon doonto in sifo sharci ah xukuumaddu u fuliso hawlaha hortebinta leh ee loo igmaday.

https://www.facebook.com/1332715543432137/posts/3438658932837777/?sfnsn=mo