Somali News

DAAWO Muuqal:-khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay Muqdisho.

Muqdisho-KNN- Inta la xaqiijiyay  hal qof ayaa  ku dhintay, halka sedex kalana ay ku dhaawacmeen, oo ay ku jirto haweenay, kadib markii qarax uu ka dhacay kaalin shidaal oo ku taalla dhismo u dhow wasaarada batroolka ee Xukuumada Soomaaliya, sidoo kalana u dhow Isgooska Shabelle.

Gaariga qarxay ayaa la sheegay inuu yaalay kaalinta shidaalka, islamarkaana uu sidaasi ku qarxay.

Dadka ku dhaawacmay ayaa waxaa loo qaaday qaar ka mid ah isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Wariyaasha KNN oo goobta tagay ayaa sheegaya in gaari qarxay oo yahay nooca Soomaalida u taqaano Saruf ,isla markaana uu sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Halkan ka Daawo Muuqaal KNN