Somali News

Daawo:- Qaraxii ka dhacay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya gaari qarax  laga soo buuxiyay waxyaabaha oo maanta ka dhacay meel u dhow Maqaayad lagu Magacaabo Dalsan oo u dhow Taalada Xaawa taako ee Magalada Muqdisho.

Halka uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa ku yaala Kontorool ay ciidamo ka tirsan  dowladda Soomaaliya ka ilaaliyaan xarunta Madaxtooyada Soomaaliya,isla markaana  gawaarida lagu hubiyo.

Wariyaasha KNN ayaa soo sheegaya in khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay qaraxa.

Gaadiidka Gurmadka ayaa hada daabulaya dadkii ku waxyeeloobay qaraxa.

Halkan Ka Daawo:-