Somali News

Daawo: R/wasaare Rooble oo kulankii u horeeyey la yeeshay taliyeyaasha ciidamada

Muqdisho-KNN-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan looga hadlay arrimaha amniga  la qaatay taliyeyaasha ciidamada qalabka sida iyo laamaha amniga gobolka Banaadir.

Ra’iisul wasaaraha ayaa laamaha amniga la wadaagay qorsheyaasha xukuumadiisa ee lagu dardar-gelinayo ammaanka, dhammeystirka dib u habeynta ciidamada iyo dagaalanka Al-Shabaab.

Waa kulankii ugu horreeyay ee Ra’iisul wasaaraha Rooble uu la qaatay laamaha amniga dowladda Soomaaliya, kadib markii uu todobaadkan xilkiisa la wareegay.

Gaba-gabadii wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha Cabdullahi Sheekh Xaamud ayaa akhriyey warbixin ku saabsan waxyaabihii looga hadlay kulankaas.

Hoos ka Daawo